Meenu
Saladaada

Xogtanadda

Ifrikia waa dukaan online ah oo kaa caawinaya inaad dukaameysato adigoo gurigaaga ku istareexaya.  Waxaan ka shaqeynaa dalka oo idil, halka aad ka joogtaba Soomaaliya waan kusoo gaari karnaa. Ifrikia Online waxey u daneyneysaa inta jecel beecinta sheyga ay gadanayaan, laakin aanan heynin waqtigaa, tabartaa iyo waliba qarashka sidaa lagu sameynayo. Si kastaba ha ahaatee, waxaan jecelnahay inaan u adeegno cid waliba oo jecel inta ay heysato iney ku hesho agab tayo leh, looguna keenayo albaabka gurigeeda.

Qoraxda kuleelka badan, buuqa ka jira dukaamada/baqaarada, ciriiriga baabuurta, daalka faraha badan, alaabta aan tayada laheyn iyo waliba halista ku haraareysan wadooyinka ayaa ah sababaha ugu muhiimsan ee aan ujirno. Waa inaga farxadeyna inaan kaa dulqaadno dhibaatada ah inaad suuqa aado misna aadan helin agabkaa dooneysay adigoo xiiqay. Halka adigoo isticmaalaya mobilkaaga aad inaga heli karto wax walba oo laabtaadu doonto, ayada oo laguugu keenayo fadhigaaga.

Ifrikia Online, waxa ay la shaqayneysaa boqolaal dukaamo oo ay soo bandhigeyso alaabtooda si online ah. Waxaan sidaan u sameynay, in adigu aad hesho adeeg iyo alaab tayo leh oo qiimo jaban, adigoo ku istarexaya xafiiskaaga amaba gurigaaga.

Waxaa intaa ka marneyn, in ay inaga go'antahay inaan kuugu adeegno si hufan, xirfadeysan hadana daacadnimo ku dheehantahay si aad ugu qanacdo adeeganaga. 



Aragti


Inaanu ahaano xarunta dukaamaysiga casriyeysan ee gayiga.



Hami


Inaanu ugu adeegno macaamiisheena si hufan, siino dalab aad usareeya inagoo eegayna

qanacooda.