Meenu
Saladaada

Shuruudaha Adeega

1. Shuruudaha 

Haddii aad isticmaasho https://ifrikia.com, waxa aad ogolaatay sharuudaha adeega, sharciyada macquulka ee ku qaban kara, iyo inaad masuul ka tahay u hogaasamida sharciga deegaanka. Haddii aadan ku qanacsaneyn mid ka mid ah shuruudahan, waa kaa mamnuuc inaad isticmaasho websaydkan. Agabka kujira websaydkan waa mid xaquuqdiisa daabacaada iyo sumaddaha sharcigaba ay dhowran yihiin.

2. Isticmaal Shati (Leysin)

B.  Waxaa laguu ogol yahay inaad kusoo dajisato si ku meel gaara agabka ku jira Ifrikia (xog ama software) shaqsi ahaan, soo bandhigid ku meel gaara ee aan ganacsi aheyn kaliya. Midani waa ogolaansho shati, maaha ku wareejin xil, inta aad shatigan heysato lama ogola in;

i.  aad badal ku sameyso ama aad minguurin ka bixiso agabka ifrikia;

ii. aad u isticmaasho ujeedo ganacsi, ama soo bandhig bulsho (ganacsi ahaan ama gacansi aan aheyn);

iii. aad isku daydo inaad fara-geliso ama aad badasho software laga helo website-ka Ifrikia;

iv.  inaad ka saarto xuquuqda daabacaad ama xuquuqaha kale ee lahaansho;

v.   ama aad u xawisho qof kale amaba aad ku shubto server kale.

T.  Shatigan waxa uu burayaa markiiba haddii aad baal marto shuruudahan kor ku xusan, Ifrikia-na waxa ay la laaban kartaa waqti kasta. Haddii lagaa xayiro isticmaalka ama lagaala laabto shatiga, waa in aad iska tirtaa wax walbo ood soo dajisatay (downloaded), ha ahaato mid elektoroonik ama warqado daabacan.

3. Diidmo

B. Agabka ku jira websaydka Ifrikia waxaa lagu bixinaya sida ay ku yimaadan. Ifrikia ma qaadeyso wax damaanada, waxa ay halkaana ku diideysaa in ay muusiliyadda sida; damaanad aan dhamaad laheyn, damaanadda xaaladda agab, ku haboonaanta ujeedo gooniya, ama Ku xadgudubka hantida aqooneed ama ku xadgudubka kale ee xuquuqaha.

T. Intaa waxaa sii dheer, Ifrikia ma bixiso ama ma sameyso wax matalin ah oo ku saabsan sax ahaanta, natiijooyinka suurta galka ah, ama ku kalsoonaanta isticmaalka agabyada websaydkeeda ama haddii kale la xiriira agabkaas ama bogag kasta oo ku xiran boggan.

4. Xayiraadaha

Dhacdo kasta Ifrikia ama alaab-qeybiyeyaasheeda mas'uul kama noqon doonaan wixii dhibaato ah (oo ay ku jiraan, iyadoon la xadidin, waxyeelada xogta ama macaashka, ama hakad la galiyay ganacsiga) ka soo baxa isticmaalka ama karti la'aanta isticmaalka qalabkan websaydhka Ifrikia, xitaa haddii Ifrikia ama wakiilka idman ee Ifrikia ay af ahaan ama qoraal ahaan loogu ogeysiiyay suurtagalnimada waxyeeladaas oo kale. Sababtoo ah awoodaha qaarkood uma oggolaanayaan xaddidaadda dammaanad-qaadyada la damacsan yahay, ama xaddidaadda mas'uuliyadda wixii ka dhalan kara ama waxyeelada shilalka ah, xaddiddani ma quseyn karaan adiga.

5. Saxnaanta Alaabta

Alaabta ka muuqata websaydka Ifrikia waxaa laga yaabaa in ay ku jirto qalad farsamo, qoraal amaba qalad sawir. Ifrikia ma damaanad qaadeyso in alaabta ku jirta wwebsaydkeeda ay yihiin kuwo sax ah, dhameystiran ama kuwa hadda socdo yihiin. Ifrikia waxa ay badal ku sameyn kartaa alaabta ku jirta websaydkeeda ayadoo wax ogeysiis ah ka bixin. Sikastaba ha ahaatee, Ifrikia masameyneyso dadaal joogto ah oo ay ku cusbooneysiineyso aqabka.

6. Liinkiyada

Ifrikia ma aysan wada muraajaceyn websaydyada ku wada xiriira mana qaadeyso masuuliyad waxa lagu soo bandhigo websaydyada. liinki-kasta oo ku jira Ifrikia ma'aha micnaheeda in laga ogol yahay boggeeda. Isticmaalka liin-kiyadda waa mid aad shaqsiyadaada uun aad u isticmaaleyso.

7. Badal kusameynta

Ifrikia waxaa laga yaaba in ay badasho sharuudaheeda ogeysiis la'aan. Ogolaashiyo isticmaalka aad ku isticmaaleyso Ifrikia waxa uu qirayaa inaad u hogaansantahay sharciga shuruudaha adeega hadda jira.

8. Sharciga Maamulka

Shuruudahan waxa ay meel raacsanyihiin sharciga ka jira Soomaaliya waxaadna si kalaabasho laheyn u aqbaleysaa sharciga maxkamadaha ka jira gobolka.